Posts

Maxaa keena Abaaraha? Sideese looga bixi karaa?

Image
''Abaar waa marka la waayo daaqsinkii, roobabkuna ay guuraan dhulkuna uu qalal, xooluhuna bakhtiyaan'' Sidaasi waxaa abarta ku qeexay oday soomaaliyeed oo ku nool deeganada ay haleeshay abaarihii ugu dambeeyay. Xaga cilimiga dhaqaalaha dhibaatooyinka abaarahu waxey ka mid yihiin mushkiladaha ku haray dawladaha caalamka 3aad ee dibu-dhaca dhaqaale ku habsaday. Inta badan dawladahaasi awoodooda dhaqaalo aadka u liito waxey ku tiirsanyihiin waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha, kuwaasoo inta badan ah kuwa ku xidhan cilmilada.  Culimada daraaseeya abaaraha iyo macluusha ayaa ku tilmaamaamaan abaaraha iyo macluusha kuwa ka dhasha guuldaro ku timaada sadex arimood oo kala ah: 1.Soosaarka raashin ku filan baahida jirta  2. Helitaanka raashin buuxiya baahida jirta  3. Guuldaro ka timaada xaga siyaasada dhaqaalaha  Hadaba aan mid walba si goonideed ah ulafa-gurno  1. Soo saarka Raashinka Iyo Qaab-dhismeedka Dhaqaalaha soomaaliya Dhaqaalaha...

Cadaanka iyo Cilmiga Soosiyoolojiga... Adeegisga Cilmiga iyo gumeysiga

Image
Auguste Comte Cilimiga soosiyoolojiga waxuu ku dhashay cariga galbeedka waliba si gaar ah jermalka iyo faransiiska oo aha labada dal ee aadka ugu dadaalay soo shaac bixinta cilimigaan. Waxa ku muuqan kara in aanan soomaaliyeen ereyga Sociology (Soosiyooloji) sababtoo ah ereyada cilimiga ahi inta badani lama tarjumo oo waxa lagu dhaafa sida asalka u ah, sida physics (Fiisigis). Sida ay wada yaqaanan ardayda dhigata cilmigaan, in Auguste Comte (1798-1857) oo aha faylasuuf faransiis, waa ninki ugu horeeyay oo bixiyay magaca Sociology (Soosiyooloji). Cilimigaan ayaa ku hawlan fasirida dabeecada insaanka (Human Behavior), waxuuna adeegsanaya qaabka cilmi baarista, waxuuna ku dadalaa in la helo qaab-cilmi ah oo loo turxaan-bixiyo muuqaalada (Phenomenon) guud ee ka so dhax muuqda bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan qofka caadiga ah.  Cilmiga soosiyoolojiga waxuu garab socday ilbaxnimadi yurub, gaar ahaan qarnigii 16 illa 19 oo ah 3da qarni uu cilmigaas inta badan loo taagay...

MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?

Image
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee”. - ISMA DORIN Abwaan Axmad I. Diiriye “Qaasim” 1964. Inta badan waxaa iskugu hambalyeyna maalinta 1da luuliyo oo aan qabsano munaasabado lagu xusayo maalintaas. waa arin quman in la xuso xornimadii ay soo hooyeen awooyaasheen, balse waxaa mudan in aan is weydiino maxa keenay in aan dhisan kari  weyno dawlad wanaagsan? tii aan dhisanayna burburiyay? Waa laba waydiimood oo is dulsaaran una baahan warcelino cilmiyeysan kana fog laab-lakac iyo calaacal. hadaba weedhahan soo socda waxaan ku lafa guri doona arimaha ay labadaas waydiimood gundhiga u yihiin. Soomaalidu waxey ku caan yihiin nidaamka ab-tirsiga ama beesha, kasoo ah dhaqan aad u adag, dhaqankaas ayaa sal iyo halbeeg u ah siyaasada iyo  qaybsiga hadtida iyo awooda. Aqooyahanka  cilmibaadha bulshadu “Sociology” waxey tilmaaman in bulsho walba kolka ay yagleelmayso nidaamkeeda awood qeebsi ka duusho dhaqankeeda ga...
Image
  Waa Maxay Maan-Fur Enlightenment? Emanuel Kant (1724-1804) oo ahaa faylasuf Germany aha aya ka bixiyay jawaab waxu yiri “ Waa xaliga uu ka baxay insaanka maan-gaabnimada una guuray biseel iyo adeegisga maanka ” asagoo si wata hadalkiisa ayuu waxu ku macneeynaya “ maan-gaabnimada in aan la adeegsan maanka, loo taliyo maskaxdaada oo aad daba-gashid dadkale oo ku fakara” . Kant ayaa oo si faahfaahinaya maanfur ka ayaa yiri " waxaan boorineena adeegsiga maanka, baaqaasna waa mid ku socda dhamaan dadka, waliba wadaadada waxa ka codsaneena iney adeegsadan maankooda". Waxuu ku dhawaaqay Kant si qeylo-dhaan ah “ war dadow adeegsada caqligiina, yeesha geesinimo aad ku adeegsatiin caqligiina ” sida uu sheegayo Kant casrigaas waxa uu aha mid ku caan aha tix-galinta caqliga. Casriga loo yaqaano Maan-furka (Tanwiir-Enlightenment) waxa uu aha casri ku caan baxay naqdiga iyo imtixaanida sooyaalkii hore, iyo in dib loo yagleelo nidaam siyaasi ah oo ka fog diinta iyo taliska kanii...

Sanad Ka Dib .... Wa sidee Xaalku ?

Sanadki hore aya waxan udabaal dagnay ka gudubka kumeel-gaarka iyo dhismaha dawlad cusub , waxana aad ukacsana dhaman shacuurta umada soomaaliyeed. Sanad ka dib aya waxa la is weydiinayaa maxa noo hirgalay ? dawladeenii wa side xaalkeeda ?  ma la qeexi karna xaalada dawlada soomaliya anago u kuurgalayno wax qabadkeeda guud? Ka dib doorashadi madaxweynaha aya waxa bilaabmay bog cusub oo siyaasdeed, waxa xilka qabtay madaxweyne an lagu baran dagaal iyo qabqablanimo , waxa uu la yimid xukuumad ay ka dhax muuqdan wajiyo cusub oo ah siyaasiyiin an lagu baran dagaaladi sokeeye , taaso noqotay horusocod wangasan. balse waxa is-dhaafay waxi ay dadka ka filayeen dawlada iyo waxa ay la timid , dadweynaha aya rajadoodi eheed inay helaan nabad-galyo iyo hormar , in dib loo asaaso hay’adaha dawlada lana shaqa galiyo dhamaan hay’adaha dawliga ah , in ay dareeman neecawda dawladnimo sida kala danbeynta iyo dhawrida sharuucda iyo qawaaniinta , balse rajadas aya noqotay mid udhaw riyo marka...

Mucaarad iyo Muxaafid

Image
Ka qeyb galka siyaasada ayaa u kala saaraysa bulshada , kuwa muxaafid ah oo taageersan siyaasada dawlada iyo kuwa mucaarad ah oo diidan siyaasaadka dawlada. adeegsiga ereyga mucaarad ma ahan mid ka tarjumeysa xumaan ama qaswade  sida ay ufasiraan siyaasiyiinta xilka ka haya dawlada , balse mucaarad waa sida ay ku fasiraan culumada siyaasada : waa qof ka soo horjeedo siyaasaadka dalka lagu dhaqo buuxiyana shuruudahan soo socda :- 1. Inuu aminsan yahay sharuucda dalka uyaala  ixtiraamana dastuurka 2. Inuu ilaaliyo amniga qaranka iyo waxwalba oo dalka iyo dadka dhibaateyn kara. 3. Inu aqoonsanyahay dawlada dalka ka jirta ee uu mucaradka ku yahay , diidana wax walba oo keeni kara burburka dawlada sida inqilaab ) af-ganbi ( iyo wax-lamid ah. 4. Inu leeyahay siyasaad iyo mabaadi’ uu aminsanyahay , uusan eheen qof wata mashruuc dana gaar ah ku dhisan. Waxa jira dhawr qodob oo ah in la islawada aamino oo laga wada duulo si loo helo nolol siyaasadeed oo hormarsan , taasoo sahli...

Dawlada Iyo Qabiilka

Image
  Soomaliya waxa ay ka mid tahay bulshooyinka caanka ku ah waxa lo yaqaan xiriirka abtirsiga ah oo ka dhigan u nasab sheegashada qabiil. Mudooyin badan ayu aha qabiilka nidaam dhameestiran oo koobaya dhaman arimaha bulshada arimaha siyaasada iyo arimaha qanuunka ,qabiil walbana uu dhisto nidaamkas oo aa ku magacaabi karno dalwad beeled oo gaar u ah beelwalba , ayado ay beeshu dhisanaysa qaabdhismeedkeeda dalwaded sida madaxweyne oo ah oday dhaqamed ama suldan ama malaaq , iyo barlaman oo ah odyaasha dhaqanka ama duubabka iyo nidaan qanuun ah oo kala hagaaya beesha gudaheda sida xeer iyo wax lamid ah,  iyo nidaam cidan oo ay matalan dhalinyarada la dhaho warmooleeyda oo ah ciidanka difaaca masaalixda dalwad beeledka sida ceelasha iyo daaqsiga iyo awrka sadaxaas oo ah sadaxda hanti oo la dhihi karo waxa ay yihin amniga qoomiga ah ee beeshu ay leedahay.   Taas oo noo ah tusaale aya waxa kalasoo baxeyna muuqaal ah in u qabiilka iyo dawlada ay isaso gali jireen , anag...