Dawlada Iyo Qabiilka


 Soomaliya waxa ay ka mid tahay bulshooyinka caanka ku ah waxa lo yaqaan xiriirka abtirsiga ah oo ka dhigan u nasab sheegashada qabiil.


Mudooyin badan ayu aha qabiilka nidaam dhameestiran oo koobaya dhaman arimaha bulshada arimaha siyaasada iyo arimaha qanuunka ,qabiil walbana uu dhisto nidaamkas oo aa ku magacaabi karno dalwad beeled oo gaar u ah beelwalba , ayado ay beeshu dhisanaysa qaabdhismeedkeeda dalwaded sida madaxweyne oo ah oday dhaqamed ama suldan ama malaaq , iyo barlaman oo ah odyaasha dhaqanka ama duubabka iyo nidaan qanuun ah oo kala hagaaya beesha gudaheda sida xeer iyo wax lamid ah,  iyo nidaam cidan oo ay matalan dhalinyarada la dhaho warmooleeyda oo ah ciidanka difaaca masaalixda dalwad beeledka sida ceelasha iyo daaqsiga iyo awrka sadaxaas oo ah sadaxda hanti oo la dhihi karo waxa ay yihin amniga qoomiga ah ee beeshu ay leedahay.


 Taas oo noo ah tusaale aya waxa kalasoo baxeyna muuqaal ah in u qabiilka iyo dawlada ay isaso gali jireen , anago ubixin karna qabiilku inu aha dawlad yar oo gaar ku ah beesha , balse waliged ma aysan dhicin in lawada kulmiyo qabiilada soomaliyed oo midwalba dhiniciisa ka leh dalwad ka madaxbanaan dawlada beeleedka jaarka la ah ama ka fog , iskaba dhaafe balse uu dhax mari jiray xifaaltan mararka qaarkood isku badala gacan ka hadal.


 Gumeysigi reer galbeedka ayaa aha mid ku kala duwana la tacaamulka dawlada beeleedka ka jira soomaaliya , ayado dawlad ingriiska oo maamuli jirtay gobolada waqooyi uu aha mid aan soo fara galin jirin dawlada beeledka ka jira goboladiisa , taasna keentay in dawlada beeledki ka jiray gobolada waqooyi ey helaan dhaqdhaqaaq ama firfircoona marka loo bandhigo dhigiisi gobolada konfured kaso dalwadi talyaaniga gacanta ku haysay , tasoo aad ufara galisay nidaamki bulshaded iyo dawlad beeleedki ay dhisten beelaha daga gobolada koonfured , taaso dib udhac ku riday dhaqdhaqaaqa iyo suldadi odyaasha dhaqanka.


 Xornimadi 1960 aya si lama filan ah ayey soomaalidu ka gudubtay dawlad beeleedyadi gooniugoosatka aha una gudubtay dalwad qaran oo ay ku mideesanyihin dhamaan beelihi soomalida ahaa ee kala dagi jiray waqooyi iyo koonfur , taasna eheed talaaba hormar leh.
halkas aya waxa laga anba qaaday dawlad soomaaliyed oo ay uwada dhan yihin dhaman dawlada beeledyadi lana dhisay oday dhaqameedyo aha barlamanka soomaliya oo ka kala imaanayay beelaha soomaliyed iyo gudigi fulinta iyo madxweyna oo utagan booski oday dhaqmeedka beelaha soomaaliyed.


 Sida muuqato waxa la balaarin wayay fahanki qaranka , iyo sinaanti , balse laguwada dhaqmay caqli beeleedki dhisayay dawlad gooniugoosad ah , isla dhaqanki aha dalwad beeleed ayey isku badashay dawladi qaranka soomaliyed , dalwadi qaranka aya noqotay dawlad beeleed gooniugoosad ah , beel aya damacday ine lawareegto dawladi qaranka , aydoo mooda in ay maamulayso dawlad beeleedkeedi.


 Waxyaabaha aadka umara habaabiyay dawladi qaranka una badashay dawlad beeled aya aha habka qeebsiga hantida iyo shaqada , iyo siyaasada ( Xukunka ) , taasna waxa ka danbeeyay caqliga soomaaliyed oo aha mid ay ku dheehantahay nidaamki beesha ey waxku qeebsani jirtay , iyo xinki iyo xifaaltanki ka dhaxeeyay beelihi soomaliyed ayaa sababay in dalwdi qaranka ay noqoto dawlad beeleed ku hadasha magac beel beelaha ka mid ah.
Dulmi iyo midabtakoor aya noqday saanta siyaasada soomaliya , taasna sababtay in loo fahmo dalwadi qaranka ine tahay hanti beeled sida awrki ama geeli iyo daaqsinki , taaso keentay in loo arko xarumihi dawlada hanti beeled , halkaas aya waxa wiiqmay fahanki aha dawlad qaran , oo mideeya dhaman beelaha soomaaliyed
 dalwadeenta qabiilka iyo siyaasadeentisa aya sabab weyn u aheed in uu marahabaabo fahanki aha dawlad qaran oo ay ku taami jiren soomali kuwaso ubaxsaday soomaliweyn fahanka soomaliweyn oo aha mid aan waligi suura galin , taarikhdi foged iyo midi dhawed sababto ah soomali marna kuma midoobin dawlad ay uwada dhantahay.


 Fahanka Faderalka oo aha mid aad usoo shac baxayay mudadi dawladihi kumeelgaarka aya asna aha mid aa ka marneen fahanki qaloocna oo ah in la faderaaliyo qabiilki sidi loo qarameeyay qabilki waagi hore , waxa dawanayna hadana isla filinki wagaas.
 Fikirka ah in ladaba jiro qabiilk aya ah mid aan waaqic ehen oo ah riyo , balse la doonayo in la toosiyo jihadi qabiilki oo lagu so celiyo arimihiisi bulashaded sida qaaraan iyo nasab sheegashadisii , ayado la rabo mustaqbalka fog in lakala saaro siyaasada , xukunka , qabiilka, sadaxdaas in laka geeyo waa muhim , siiba guurka sharci darada ah ay isku guursaden xukunka iyo qabilka.
Dawlada soomaliya waxa laga raba in dib loo jiheeyo qabiilka iyo xukunka iyo qaranka. 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa keena Abaaraha? Sideese looga bixi karaa?

Madaahibta Afkaarta Cilmiga Dhaqaalaha

MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?