Cadaanka iyo Cilmiga Soosiyoolojiga... Adeegisga Cilmiga iyo gumeysiga



Auguste Comte
Cilimiga soosiyoolojiga waxuu ku dhashay cariga galbeedka waliba si gaar ah jermalka iyo faransiiska oo aha labada dal ee aadka ugu dadaalay soo shaac bixinta cilimigaan. Waxa ku muuqan kara in aanan soomaaliyeen ereyga Sociology (Soosiyooloji) sababtoo ah ereyada cilimiga ahi inta badani lama tarjumo oo waxa lagu dhaafa sida asalka u ah, sida physics (Fiisigis).
Sida ay wada yaqaanan ardayda dhigata cilmigaan, in Auguste Comte (1798-1857) oo aha faylasuuf faransiis, waa ninki ugu horeeyay oo bixiyay magaca Sociology (Soosiyooloji). Cilimigaan ayaa ku hawlan fasirida dabeecada insaanka (Human Behavior), waxuuna adeegsanaya qaabka cilmi baarista, waxuuna ku dadalaa in la helo qaab-cilmi ah oo loo turxaan-bixiyo muuqaalada (Phenomenon) guud ee ka so dhax muuqda bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan qofka caadiga ah. 

Cilmiga soosiyoolojiga waxuu garab socday ilbaxnimadi yurub, gaar ahaan qarnigii 16 illa 19 oo ah 3da qarni uu cilmigaas inta badan loo taagay dhidhibada. sidoo kale waxaa marag madoonta ah in uu cilimigaani oo lagu daray Anthropology uu ka caawiyay awoodihii gumeysiga, gaar ahaan fahanka dhaqamada bulshadii ay gumeysanayeen, si ay u heleen duduleelada bulashadas laga abaari karo. 
Waxaa jiro darasaad caan ah oo laga sameeyay xiriirka ay leeyihiin cilmiga soosiyooloji iyo gumeeysiga sida daraasada lagu magacaabo “The ‘New’ Sociology of Empire and Colonialism” oo la faafiyay 2009 kii. Sidoo kale daraaso la magac baxday “A Child of the Empire: British Sociology and Colonialism, 1940s–1960s” tasoo diirada saareeysa gumeysigii ingiriiska iyo siduu u adeegsaday cilmiga soosiyoolojiga, asagoo laha farac lagu magacaabo (Colonial Sociology) soosiyoolojiga gumeysiga oo ay ku daraaseen jireen wadamada ay haystaan. sidoo kale waxa caan ah Royal Anthropological Institute oo la asaasay 1871 dalka ingiriiska muhiimadiisana ka mid eheed in la daraseeyo dalalka la gumeysanayay.

Sida muuqata cilmigaas waxuu ahaa mid ay aad u adeegsan jireen awoodihii gumeysiga (Ingriiska, Faransiiska). Hadaan eegno daraasaadki soomaaliya (Somali Studies)  waxa aad loo yaqaano soosiyooloojsitihii la oran jiray I. M. Lewis oo aha nin u dhashay ingiriiska, waxuu laha dhawr buug oo uu ku lafa-gurayay arimaha soomaaliya waxaana ugu caansan kuwan: 

I. M. Lewis
  1. Peoples of the Horn of Africa oo la faafiyay 1955 oo ahaa buugiisi ugu horeeyay e ku saabsana arimaha soomaaliya iyo geeska afrika. 
  2. A Modern History of the Somalia waxuuna ka sheekeenaya taarikhdii soomaaliya ee casriga ah.
  3. Saints and Somalis; waxuuna diirada saaraya dawrka diinta ay ku dhax leedahay bulshada soomaaliya. 

Waxa inoo wada muuqda sida cad ee ay oga faa’ideesteen awoodihii reer galbeedka ahaa ee u hanqal-taagayay gumeysiga wadamada awooda yaraa. Hadaba waxa is weydiin mudan, wali ma jira gumeysigii soosiyooloojiga aha?

Muda laga joogo dhawr bilood ayaa waxa soo shaac baxay hashtag la magac baxay #CadaanStudies oo ahaa fal-celin ka timid dhawr aqoonyahan oo soomali ah kadib marki uu Dr. Markus Hoehne oo ah anthropologist jarmalka udhashay, asagoo ku eedeeyay cilmi baarayaasha soomaaliyeed kuwa aad u liita, walina gunta ku wata qabyaaladi. Cawa M. Abdi oo ah gabar bare ka ah jaamacada Minnesota ayaa qoraal ay leedahay aad u dhaleeceesay hadalkaas quurisga ah ee kaso yeeray Dr. Markus Hoehne. 

Halkaan ka akhriso qoraalka Cawa M. Abdi 


Sida ay qireyso Cawa waxa wali jira nusqaan xaga soomalida khubarada ah ee daraaseeso arimaha soomaaliyeed ha ahaato xaga cilmi-baarista, ama xaga agabka, lana inkiri karin dawrka muuqda ey leeyihiin baarisyahanada cadaanka ah. Balse hadalka kaso yeeray Dr. Markus waxuu xambaarsan yahay laba waji: Mid waa wajiga isla qab-weynida cadaanka ah ee ku dhisan quursiga dadka kale. Midna waa liidashada khubarada soomaaliyeed ee daraaseesa arimaha soomaaliya, iyo qabyaalada ku milantay baadhitaanada ay sameeyaan.

Lama inkiri karo in ay jirto nusqaan ku habsatay baarisyahanka soomaaliga iyo sida ay oga muuqata qabyaalada, kaasoo ka dhigay baaritaanadoodi mid aan laheyn tixgalin cilmi iyo u hagarbixida runta, kana muuqato u xaglid bareer ah. Taaso keentay in laga aamin baxo darsaadka uu sameenayo qaar ka mid ah baarisyahanka u dhashay soomaaliya.
Taas waxa sii raacda baarisyahanka soomaaliga ah ee ku nool qurbaha waxa ka muuqato ogaal-dari xaga waaqica dhabta ah ee ka jira gudaha dalka,  tusaala ahaan Proff Axmed I. Samatar oo ah qof lagu yaqaano aqoon kuna xeel-dheer arimaha soomaaliya. Ayaa markii uu yimid soomaaliya konfurta soomaaliya, waxuu ka qeyb galay tartanki madax-tinimada 2012. nasiib xumo wuu ku guul dareestay waxuuna dib ugu laabtay carigii uu ka yimid ee USA, kadib waxuu yiri soomaaliya waa kaso quustay oo waxa “duopoly oo ah erey dhaqaalo” aya ku lagu haystaa siyaasada dalka, waxaana haysta laba reer…..

Arintaas ma garanayo in ay tahay mid ku cusub garashada proffka balse waa mid ay wada garanayaan inta udhuun-doloosha arimaha soomaalida. Hadaba proffku miyuusan ogeyn arinkaani? oo ah alfa beetada siyaasada soomaaliya! ma kula tahay macquul inuu intaas garan wayay proffkii 30ka sano daraaseenayay soomaaliya? 
Halkaasi waxa ka muuqda in ay jiraan ogaal-xumi, u dhaxeysa xaalada dhab-ahaneed ee soomaaliya iyo ogaalka aqoonyahanka soomaaliyeed.

Edward Said
Xaga kale waxaa wali muuqata in wali ay jirto waxii loo yaqaanay gumeysigii xaga darasaadka, ama waxa loo yaqaano Oreintalism ulajeedkeeduna yahay dib u-yagleelida iyo uqaabeynta bariga  sida ay doonayan awoodaha gumeysiga. Sidaasi waxaa qaba fikiryahankii mareekanka ah asal ahaan falistiiniga ah Edward said buugiisi caanka ahaa ee la oranayay Oreintalism. Edwardo waxuu aad u saluugsanyahay darasaadka cadaankii gumeysiga ahaa ee ka sameeyeen dadyawgi ay gumeysanayeen waxuuna ku tilmaamayaa iney tahay mid loogu dan lahaa in la furfuro awoodaha dadkaasi ay leeyihiin.
Ma dhamaan doonto oreintalism ka inta ay jiifaan aqoon baarayaasha u dhashay bariga, illa ay ku baraarugaan qiimaha uu leeyahay culuumtaan la isku gumeystay sida culuumta bulshada (Social Science). lana helin cilmi-baarayaal u dhashay dalka, daraseesana xaalada iyo muuqaalda soosiyooloojiga ah ee ka jira gudaha dalkooda. Isla markaasana waxa muhiim ah sida uu ku baaqay faylasuufka masriga ah Axmed xanafi waxa uu ubixiyay “Istiqraab” oo ah lafa-gurida reer galbeedka iyo in la fahmo qaab-dhismeedkooda dhaqan iyo dhaqaalo iyo hab u fikirkooda. waana mid la mid ah qaabkii ay ullafa-gureen barigii ay gumeysanyeen. 


Comments

Popular posts from this blog

Maxaa keena Abaaraha? Sideese looga bixi karaa?

Madaahibta Afkaarta Cilmiga Dhaqaalaha

MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?