Waa Maxay Maan-Fur Enlightenment?
Emanuel Kant (1724-1804) oo ahaa faylasuf Germany aha aya ka bixiyay jawaab waxu yiri “Waa xaliga uu ka baxay insaanka maan-gaabnimada una guuray biseel iyo adeegisga maanka” asagoo si wata hadalkiisa ayuu waxu ku macneeynaya “maan-gaabnimada in aan la adeegsan maanka, loo taliyo maskaxdaada oo aad daba-gashid dadkale oo ku fakara”. Kant ayaa oo si faahfaahinaya maanfur ka ayaa yiri " waxaan boorineena adeegsiga maanka, baaqaasna waa mid ku socda dhamaan dadka, waliba wadaadada waxa ka codsaneena iney adeegsadan maankooda".Waxuu ku dhawaaqay Kant si qeylo-dhaan ah “war dadow adeegsada caqligiina, yeesha geesinimo aad ku adeegsatiin caqligiina” sida uu sheegayo Kant casrigaas waxa uu aha mid ku caan aha tix-galinta caqliga.

Casriga loo yaqaano Maan-furka (Tanwiir-Enlightenment) waxa uu aha casri ku caan baxay naqdiga iyo imtixaanida sooyaalkii hore, iyo in dib loo yagleelo nidaam siyaasi ah oo ka fog diinta iyo taliska kaniisada kasoo loo yaqaano (Secularism) calmaaniyad, iyo dhisida xiriir bulsho oo cusub kuna taagan sinaan iyo walaalntimo, cadaalad (Principle of French revolution) oo loo bixiyay heshiis bulsho (social contract) si loo helo bulsho rayid ah.

Maan-fur waa inaad tixglisid caqligaada oo aadan iib-geen, ku kala saartid waxii khuraafaad ah iyo waxi dhab ah, kuna raadisid xaqiiqda. Maan-furku waa adeegsiga cilmiga ka guurida mutuhino (Hypothesis) ku dhisan aragtiyo taarikhi ah oo ka fog cilmiga iyo maan-galka (logic) ama aragtiyo duugoobay, iyo dhamaan wax walba oo keenaya mugdi sida khuraafaadka iyo jahliga.

Casrigii Maan-furka waxa ka dhashay dhawr arin:
·       Ka guurida metafiisiqada (metaphysics) iyo tafsiirkii diiniga ahaa.
·       Xarumaysiga insaanka kadib marki laga so guuray xarumaysiga Alle.
·       Naqdinta iyo kala saafida sooyaalkii hore.
·       Dhisida aragtiyo cilmiyeysan oo burinaya dhamaan aduun-aragii hore ee ku dhisnaa aragtidii kaniisada.
·       Xiriir bulsho oo cusub iyo kacdoon ka dhan ah dhaqmadii hore iyo nidaamki boqortooyada.
·       ‘’Xoriyad, walaalnimo, sinaan’’ waa sadex aragti oo uu ku dhisnaa Kacdoonki Faransiiska qarniga 18aad dhamaadkiisa. Waxeyna aheed xili-kala guur ah xaga taariikhda Maanfurka.

Maan-fur ujeedadiisa ugu weyn waa in ay bulshada kuwada dhaqanta si sinaan ah oo aan midna mid ka kale ka sareen, dhamaana loo wada sinaado cadaalada. Iyo in la helo nidaam siyaasi ah oo ku dhisan hufnaan iyo dimuqraadiyad la iskuna xisaabiyo xilalka siyaasiga ah, si loo cirib-tidho musuq-maasuqa iyo kaligi-taliska (Dictatorship). 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa keena Abaaraha? Sideese looga bixi karaa?

Madaahibta Afkaarta Cilmiga Dhaqaalaha

MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?