Maxaa keena Abaaraha? Sideese looga bixi karaa?


''Abaar waa marka la waayo daaqsinkii, roobabkuna ay guuraan dhulkuna uu qalal, xooluhuna bakhtiyaan'' Sidaasi waxaa abarta ku qeexay oday soomaaliyeed oo ku nool deeganada ay haleeshay abaarihii ugu dambeeyay.

Xaga cilimiga dhaqaalaha dhibaatooyinka abaarahu waxey ka mid yihiin mushkiladaha ku haray dawladaha caalamka 3aad ee dibu-dhaca dhaqaale ku habsaday. Inta badan dawladahaasi awoodooda dhaqaalo aadka u liito waxey ku tiirsanyihiin waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha, kuwaasoo inta badan ah kuwa ku xidhan cilmilada. 
Culimada daraaseeya abaaraha iyo macluusha ayaa ku tilmaamaamaan abaaraha iyo macluusha kuwa ka dhasha guuldaro ku timaada sadex arimood oo kala ah:

1.Soosaarka raashin ku filan baahida jirta 
2. Helitaanka raashin buuxiya baahida jirta 
3. Guuldaro ka timaada xaga siyaasada dhaqaalaha 

Hadaba aan mid walba si goonideed ah ulafa-gurno 

1. Soo saarka Raashinka Iyo Qaab-dhismeedka Dhaqaalaha soomaaliya

Dhaqaalaha soomaaliya waxuu salka ku hayaa nidaamka beeraha (Agriculture economy) waxaana hoos-yimaada xoolaha oo ay soomaalidu aad u dhaqato. 40% bulshada soomaaliyeed waxay ku noolyihin xaalad saboolnimo oo aad u adag,halka 60% ay ku noolyihin tuulooyinka waxeyna noloshooda ku tiirsantahay waxsoosaarka xoolaha ama beeraha. Reerahaas ku nool tuulooyinka nolol maalmeedkooda waxuu ku tiirsanyahay waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha oo mid ba midka kale ka maarmin. Dhaqaalaha noocaas ah waxaa u ka maarmin roobabka waxaana sameen weyn ku yeesha is-badalka cimilada. 
Dhaqaalaha soomaaliya gabi ahaan waxuu ku tiirsanyahay beeraha labadiisa garab (baadka/xoolaha) iyo dhoof geenta khudaarta iyo kaluunka oo ah hantiada laga soo saaro badaha iyo wabiga, waxeyna adeegsadaan qalab iyo aalado bilaw ah oo qadiim ah, sida badiilka iyo yaambada. Waxa meesha ka maqan adeegsiga aaladaha hormaray sidaasi darteed illaha dhaqaale ee kaso baxa waa kuwa aad u liita. 40% waxasoosaarka maxaliga ah GDP waxey kaso baxaan beeraha iyo xoolaha, xaga 60% ay yihiin hantida kaso baxda suuq-geynta khudaarta sida mooska iyo dhoofinta xoolaha. Yaman iyo Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa ah inta badan meelaha laga iibsado xoolaha iyo khudaarta soomaalida. 
Muqaalkaasi kooban ee aan ka bixinay dhaqaalaha soomaaliya waxa ka muuqata mid aad u liita oo ku tiirsan dabiicada ama cimilada, kaasoo ka muuqato habacsanaan una nugul dhamaan is badalka ku iman kara cimilada kasoo ka dhalaneeso burbur dhaqaalo, sida macluusha iyo abaaraha. 

2. Helitaanka Raashin ku filan baahida jirta

Sida aan hore usoo sheegnay 60% waxey ku noolyihin tuulooyinka (rural life) waxeyna ku nool yihin saboolnimo baaxadweyn, ayagoo isticmaala 2$ maalintii. nolosha noocaasi ah ee ku tiirsan waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha waxa si cad oo aan mugdi laheen noogu muuqan kara in uu yahay mid u nugul burbur sababahaan awgood: 

Colaada: 20kii sano ee lasoo dhaafay soomaaliya waxa ka socday dagaalo aad u burburiyay dhaqaalihii dalka sababayna macluul iyo abaaro ku habsaday goobihii colaada ka jirtay, sababtoo ah xiliyada colaada waxa joogsada oo hakad gala waxsoosaarka oo idil, halka ay kordhayso baahida loo qabo raashinka, sababtoo ah colaadu waxay abuurtaa qaxoonti kaso cararaya dagaalada, tasoo keeneysa in la isku buurto raashinkii gabaabsiga ah. Cilmiga dhaqalaha waxa uu u yaqaano ''scarcity'' oo ah iskudheeli tiro laa’anta udhexeeyo hantida guud iyo baahida bulshada, tasoo keenta in la waayo hantidii loo baahana, hadii ay bataan tirada guud ee baahida. Colaaduna waxey sababtaa in uu yaraado raashinku, badatana baahida halkaso ka dhalato ugu danbaynta macluul iyo cuduro. 

Is-badalka Cimilada: Sida ku cad qodobka hore colaadaha waxey sababeysa macluul iyo faafida cuduro. Cimiladuna waxey caan ku tahay in ay is badbadasho sida roob la’aanta kadibna dhulku qalalo. Waxaana ka dhalasha in la waayo dhamaan waxii la quudanayay, isla markaasna waxa dhaca sicir barar ku yimaada raashinka. Waxa intaas ka dambeeyo waxa abuurma abaar iyo macluul halis ah sida tii dhacday 1992 iyo 2011. 


3. Siyaasaadka dhaqaalo iyo xal-uhelida abaaraha

Kadib xornimadii Soomaaliya dhaqaalaha dalka wuxuu ahaa mid ku tiirsan mucawinaadka dibada waxana faraha ku hayay khubaro shisheeye oo kala ah Talyaani iyo Ingriis oo maalgalin jiray miisaaniyada xukuumada ilaa 31% sadexdii sano ee ugu horeeyay 1960-1963. Kadib afgambigii 1969 xukuumadii dalka qabsatay waxey si toos ah u baaqday in ay qaadatay nidaamka dhaqaalo ee loo yaqaan hanti-wadaag, 20/10/1970 khudbadii madaxweynihi Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ku sheegay in uu dalka noqday mid hanti-wadaag kana mid ah gaashaan buurta ay hogaamiso Midawgii Soofiyeetka. Khudbadasi waxay ahayd mid ka dhan ah dawladihii deeqda dhaqaalo siin jiray soomaaliya oo kala ahaa, (USA/Britain/Italy), isla markaasna xukuumadi Siyaad waxey la wareegtay qorshaynta dhaqaalaha dalka, ayadoo ku dhaqaaqday la wareegida dhamaan hantida dalka taal, ay ka mid tahay shirikaadka gaarka loo leeyahay, sidoo kale waxay dajisay qorshe lagu hagayo dhaqaalaha dalka mudo 1970-1973.

Siyaasadaa ay qaadatay dawladii Kacaanku waxuu sababay iney burburaan beerihii dalka sababtoo ah hayadihii dawlada ayaa la wareegayay dhamaan waxsoosaarka dalka, waxaana halkaasi ku burburay dhaqaalihi beeraha, gabiahaanna ahaana waxa dalka isakaga guuray shirkadihii suuqgeyn jiray waxsoosaarka beeraha sida shirkadahii Talyaaniga ee suuqgeyn jiray mooskii Soomaaliya, halkaasana waxa lagu wayay awoodii tartan uu laha mooskii soomaaliya. Siyaasaadka xagjirka aha waxa ka dhashay abaarihii 1974-75 abaartii daba-dheer.

Waxii ka dambeeyay dagaalkii 1977 waxaa is badalay siyaasada guud ee dawlada waxey ka guurtay xulufadii Sofiyeetka waxeyna ku xiratay nidaamka hantigoosadka ahaa ee ay hogaaminayeen hay’adaha aduunka sida IMF iyo World Bank, kuwaas oo ku qasbay dawladii Soomaaliya in ay sameeyso isbadal xaga siyaasada guud, sida hoos-udhigida qiimaha shilin soomaaliga, iyo dhamaan ka guurida qorsheynti ku dhisneed hanti-wadaaga, waxay sidoo kale keentay taasi in la dardar galiyo nidaamka dhaqaalaha ee loo yaqaan ''suuqa furan''. IMF Sanduuqa Lacagta Aduunku wuxu leeyahay qorsho iyo siyaasaad lagula dhaqmo dawladaha doonaya iney helaan adeegyada hay’adaasi ay qabato waxana loo yaqaana ''structural adjustment''. Barnaamijkaas ayaa inta badan loogu tala galay in dawldaha ay kula jaan qaadaan siyaasaadka iyo qorshaha u yaala Sanduuqa Lacagta Aduunka. Soomaaliya ayaa waxa loogu baaqay in ay ku dhaqanto siyaasaadkaas si ay u hesho adeegyada IMF sanduuqa lacagta aduunka. sanduuqa 31% waxuu bixin jiray deeqo raashin ah kaasoo burburiyaya waxsoosaarkii beeraha, ayadoo la raaciyay dhawr sharuudood oo la hor dhigay xukuumadii Soomaaliya kuwaas oo la dhihi karo waa sharuudo ciqaab ah. 
Barnaamijka IMF ee la jaanqadida siyaasadeheedu wuxuu ahaa mid badalaya qaab-dhismeedka guud ee dhaqaalaha dalka. Barnaamijkaasi wuxuu sababay hoos-udhac weyn xaga qiimaha shilinka soomaaliya iyo xoogii dhaqaala ee xukuumada soomaaliya oo aad hoos ugu dhacay, kaasoo keenay in ay joojiso taageeridii dhaqaalo ee ay bixin jirtay siiba xaga raashinka, sidaa darteed sicirbarar ay ku habsaday raashinkii. 

Ugu dambeyntii bilawgii 1991 dawladi soomaaliya waxa ka adkaaday jabhadihii dagaalka kula jiray, isla markaana waxaa si buuxa u burburay dawladii soomaaliya. waxii ka dambeeyay xiligaas wax is badal ah oo mug leh kuma dhicin dhaqaalihi soomaaliya.Hadaba ka hortaga waxa muhiim ah in la badalo qaab nololeedka bulshada iyo qaabka uu udhisan yahay dhaqaalaha soomaaliya sida: dardar galinta warashadaynta iyo adeegsiga aaladaha casriga ah, tacliinta iyo toobar lagu dhisayo awoodaha dadweynaha ee waxsoosaarka, balaarinta fursadaha dhaqaalo sida shaqaalaynta iyo maal-galinta ganacsiyada yarayar, ku dadaalida in lagu tiirsanaado dhawr ilood oo kala duwan sida suuqgeynta, waxsoosaarka beeraha iyo waxsoosaarka warshadaha iyo in si buuxdo loo isticmaalo hantida guud ee dalka, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo shaqo la’aanta, dajinta siyaasaad maaliyadeed ah oo ku dhisan hufnaan iyo cilmi.

Comments

Popular posts from this blog

Madaahibta Afkaarta Cilmiga Dhaqaalaha

MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?