Mucaarad iyo Muxaafid



Ka qeyb galka siyaasada ayaa u kala saaraysa bulshada , kuwa muxaafid ah oo taageersan siyaasada dawlada iyo kuwa mucaarad ah oo diidan siyaasaadka dawlada.
adeegsiga ereyga mucaarad ma ahan mid ka tarjumeysa xumaan ama qaswade  sida ay ufasiraan siyaasiyiinta xilka ka haya dawlada , balse mucaarad waa sida ay ku fasiraan culumada siyaasada : waa qof ka soo horjeedo siyaasaadka dalka lagu dhaqo buuxiyana shuruudahan soo socda :-
1. Inuu aminsan yahay sharuucda dalka uyaala  ixtiraamana dastuurka
2. Inuu ilaaliyo amniga qaranka iyo waxwalba oo dalka iyo dadka dhibaateyn kara.
3. Inu aqoonsanyahay dawlada dalka ka jirta ee uu mucaradka ku yahay , diidana wax walba oo keeni kara burburka dawlada sida inqilaab ) af-ganbi ( iyo wax-lamid ah.
4. Inu leeyahay siyasaad iyo mabaadi’ uu aminsanyahay , uusan eheen qof wata mashruuc dana gaar ah ku dhisan.
Waxa jira dhawr qodob oo ah in la islawada aamino oo laga wada duulo si loo helo nolol siyaasadeed oo hormarsan , taasoo sahli karta in ay wada noolaadaan mucaaradka iyo muxaafadka :-
1. Waa in la wada aaminaa in ay dawladu tahay mid lawada leeyahay , lana joojiyo gooni ugoosadkeeda.
2. In laga wada shaqeeyo danaha dalka iyo hormarkiisa
3. Niyad sami iyo in aan la tuhmin niyada dadka kale balse lagu eekaado xisaabinta dhaqamada muuqdo , lana isticmaalin daacayado aan xaqiiqda ku dhisneen
4. Wada shaqeen iyo talooyin in loo muujiyo dawlada , dawladuna muujiso dadaal iyo wax qabad.
Siyaasiyiinta ka taliya dalka ma ahan iney isku qaataan kuwa leh dawlada , una dhaqmaan sida iney tahay xoolo ay shaqeysteen , balse waa in ay aaminaan in ay tahay mid lawada leeyahay.
Baryahan danbe ayaa waxa so muuqanaya dhaqdhaqaaq ku dhisan caqliyadaas ah gooni-ugoosadka dawlada , taasna laguma dhisaayo dawlad loogamana baxaayo dhibaatooyinka haysta ummada soomaliyeed ee loo igmaday dalwada xalkeeda.
mucaaradnimadu waa mid ubaahan caqli iyo mabda’ una baahneen laab-lakac aan ku dhisneen caqli iyo mabda’ taasna waaxa la mid ah muxaafidnimada indhaha la’ ee ku dhisan laab-lakaca balse loo baahanyahay muxaafadnimo indha furan.
Guulwade waa eray soo caanbaxay xiligi kacaanka dawladii hantiwadaaga , ereygaas ayaa ahaa mid ka tarjumaya muxaafidnimada indhaha la’, dhaqankaas oo ahaa mid lagu tobabari jiray dhalaanka iyo ardayda iyo bulshada soomaliyeed dhamanteed , taasna keentay in cuqdad loo qaado magaca mucaarad.
Waciga siyaasiga ah oo liita ayaa sababay in xumaan loo fahmo ereyga mucaarad ,  sidoo kale siyaasiyiinta xukunka haya oo ka faa’iideysanaya wacyi yarida bulshada , balse waxay hareer mareen ineysan dawladi wax ahayn mucaarad la’aantii , hormarka siyaasadana ay ku dhisantahay helida axzaab mucaarad ah.
Siyaasiga xilka sare dalka ka haya waa inuu aaminsanyahay inuu yahay shaqaale qaran oo u adeegaya bulshada ee uusan isku maleen inuu yahay boqor ama milkiile loo adeegayo , taasna waxey ubaahantahay mucaarad toosiya fahankaas guracan ee ay aaminaan inta badan siyaasiyiinta xilalka ka qabta dowlada, si looga hortago fahankaas guracan waxa loo bahanyahay in dhidhibaha loo taago ururada bulshada rayidka iyo ururada cadaadiska.
ururda bulshad rayidaka iyo ururdad cadaadiska iyo axzaabta siyaasiga ah ayaa dawr muhiim ah ku leh wacyi galinta bulshada , la xisaabtanka siyaasiyiinta khaladaadka sameeyay iyo kuwa aan kasoo bixin waajibaadkooda , ka hor taga kaligii-taliyaha  ladagaalanka musuqmaasuqa , iyo hormarinta dalka.
Sidaas markay u hormaraan bulshada waxaa fududaaneyso in la fahmo mucaaradka wadaniga ah , iyo in indhaha la furto oo lala xisaabtamo siyaasiyiinta xilka hayo .
Waxa kuso gababanaya soomaliya waxay u baahantahay dawlad ilaalisa qawaaniinta iyo shuruucda soona celisa kala danbeyn hormar iyo in lasoo afjaro dagaaladan aafeeyay bulshada soomaaliyeed , taasna waxey ubaahantahay karti iyo hufnaan iney la yimaadaan madaxda dalka maamusho , masuuliyadna iska saaran hormarinta dalkooda.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa keena Abaaraha? Sideese looga bixi karaa?

Madaahibta Afkaarta Cilmiga Dhaqaalaha

MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?