MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee”.
- ISMA DORIN Abwaan Axmad I. Diiriye “Qaasim” 1964.
Inta badan waxaa iskugu hambalyeyna maalinta 1da luuliyo oo aan qabsano munaasabado lagu xusayo maalintaas. waa arin quman in la xuso xornimadii ay soo hooyeen awooyaasheen, balse waxaa mudan in aan is weydiino maxa keenay in aan dhisan kari weyno dawlad wanaagsan? tii aan dhisanayna burburiyay? Waa laba waydiimood oo is dulsaaran una baahan warcelino cilmiyeysan kana fog laab-lakac iyo calaacal. hadaba weedhahan soo socda waxaan ku lafa guri doona arimaha ay labadaas waydiimood gundhiga u yihiin.
Soomaalidu waxey ku caan yihiin nidaamka ab-tirsiga ama beesha, kasoo ah dhaqan aad u adag, dhaqankaas ayaa sal iyo halbeeg u ah siyaasada iyo qaybsiga hadtida iyo awooda. Aqooyahanka cilmibaadha bulshadu “Sociology” waxey tilmaaman in bulsho walba kolka ay yagleelmayso nidaamkeeda awood qeebsi ka duusho dhaqankeeda gaarka, bulshooyinka ku dhisan ab-tirsiga waxay ku dhistaan hab beeleed. Xaga bulshooyinka hormaray ay ku qeebsadaan hab rayid {madani}. Sidoo kale culimada sociology waxey ku doodaan loolanku in uu yahay dhaqan ay bulsho walba leedahay, loona baahanyahay in la kormeero lana hago loolaankaas, bulshooyinka hormaray waa ay sharciyeeyeen loolanki waxeyna hoos geeyen dastuur iyo xeerar, halka bulshooyinka beelaha ahi loolanku uu ku taagan yahay awood ka fog sharciga iyo xeerasha.
Hadaad dib u milicsatid taariikhdeena kooban ee dawladnimada waxaad arki katraa in ay beeshu ahayd mid mug iyo dhaqdhqaaq balaadhan ku dhex leh nolosha siyaasadeed ee bulshadeena, waxaana ay ahayd halbeeg lagu eego heerkulka siysaada, taasoo dhiirigalisay faquuqa iyo gooni-ugoosadka tallada dalka, kobcisayna dareen ah in ay dawladu tahay hanti reero, reero kalena ka tahay xaaraan. Qofwalba oo yaqaan dabeecada aadamaha iyo bulshooyinka waxa uu hubaal u garanayaa in hadiiba la maarayn kari waayo kala duwanaashaha lana hagi kari waayo loolanka dabiicga ah in uu qarxi doono waxa loo yaqaano “Dagaal Sokeeye”.
Dawladii soomaaliya 1960-1991 iyo xukuumadihi kala duwana marka aad ukuur-gashid dhaqankoodi siyaasadeed iyo maareentoodi dhaqaleed waxaad ku tilmaami karta dawlad hungowday “Failed State” sababtoo ah hadii aysan hungoobin ma dhici lahayn afgambigi 1969, mana timaadeen maalin dagaalo sokeeye qaraxaan. illa haatan wali waxa taagan siyaasado fadhiid ah oo ka dhashay hungowgaas walina aysan muuqan in lagama waantoobay.
Hadaan usoo noqdo waydiintii ahayd maxaan udhisan weynay dawlad wanaagsan? Iyo tii aan dhisanayna maxa dumiyay? anigoo gogol-xaar ka dhiganaaya qoraalka kore waxaa ku sii xoojinayaa doodayda arinta la yiraahdo “Modernization” ama casriyeynta bulshada.
Waxaan dhisnay dawlad casri ah “Modern State” oo laga soo guuriyay isticmaarkii ilbaxa ahaa, dawladas waxaynu ku dul dhisay nidaam bulsho oo wali ku qotama dhaqankii baadiyaha kaas oo seeskiisu yahay (Qabiil/Diin) halkaas waxaa ka dhashay gundaloolo weyn oo aan ugu magic bixiyay “Gundaloolada Casriyeynta” kasoo ah mid ka dhashay is-dul saarka dawlad casri ah iyo bulsho wali ku dhisan dhaqankeedi baadiyaha (Traditional Society). Gundalooladaasi umaysan suura-galin siyaasiyiinti iyo aqoonyahandii xiligaas joogay in ay awdaan, halkaasna waxa ka dhashay in ay is colaystaan dawladii iyo bulshadii. Hadiise la dhisi lahaa bulsho casreyeysan iyo dawlad casri ah halkaas kamaysan dhalteen gundalolada casriyayntu.
Dawlad hungawday macanaheedu waa hogaamiyaal hungoobay, siyaasiyiin kaso bixi kari wayay waajibkoodi wadaniga ah, caadaystayna been, boob iyo iibinta danaha dalka iyo dadka. inta badan dawlad hungawday waa mida ku guuldaraysatay in ay ka soo baxdo hawlihii loo igmaday sida la dagaalnka musuqmaasuqa, saboolnimada, cudurada, garashola’aanta (jahliga), Sidoo kalena taabogalin kariwayday dimuqraadiyda iyo talliska haboon. Sidaas darted burburka dawladii soomaaliya ma bilaabmin 1990 waxa uuse labilaabmay dhalashadii dawladna 1960kii, xiligii la yagleelay nidaaam dawladeed oo aan haboonayn, muujinayna rabitaanka iyo ahaanshaha bulshada, una damqaneenin dhibaatada muwaadinka.
Marxaladaas waxa abuurmay dhaqan siyaasadeed carqalad ku ah dawladnimada sida kalitalnimada, musuqmaasuqa, nin-jecleesiga, buunbuuninta sirdoonka iyo ciidamada qalabkasida, is-dhax galka dawlada iyo qabilka, sugaan maandooriye ah oo maanka muwaadinka ku abuurtay wadaniyad madhan oo ka jeedisay raadinta xaqiisa, sidoo kale siyasadii waxa isku badashay suuq ay ka adeegtaan habaar-qabayaasha
Dhaqamadaasi inta ay jiraana dawlad soomaaliya oo quman indhaha lama saari doono.
Maxaad noogu dhalateen kuwii hore ma dhaantaane
Maxaadse ugu dhawaaqdeen cadlaan, laga dhabaynaynnin?
-Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Siyaad “Yamyam” 1974
Comments
Post a Comment