Sanad Ka Dib .... Wa sidee Xaalku ?
Sanadki hore
aya waxan udabaal dagnay ka gudubka kumeel-gaarka iyo dhismaha dawlad cusub ,
waxana aad ukacsana dhaman shacuurta umada soomaaliyeed.
Sanad ka dib
aya waxa la is weydiinayaa maxa noo hirgalay ? dawladeenii wa side xaalkeeda ? ma la qeexi karna xaalada dawlada soomaliya anago
u kuurgalayno wax qabadkeeda guud?
Ka dib
doorashadi madaxweynaha aya waxa bilaabmay bog cusub oo siyaasdeed, waxa xilka
qabtay madaxweyne an lagu baran dagaal iyo qabqablanimo , waxa uu la yimid
xukuumad ay ka dhax muuqdan wajiyo cusub oo ah siyaasiyiin an lagu baran
dagaaladi sokeeye , taaso noqotay horusocod wangasan.
balse waxa is-dhaafay waxi ay dadka ka filayeen dawlada iyo waxa ay la timid , dadweynaha aya rajadoodi eheed inay helaan nabad-galyo iyo hormar , in dib loo asaaso hay’adaha dawlada lana shaqa galiyo dhamaan hay’adaha dawliga ah , in ay dareeman neecawda dawladnimo sida kala danbeynta iyo dhawrida sharuucda iyo qawaaniinta , balse rajadas aya noqotay mid udhaw riyo marka loo barbar dhigo waxa ay la timid ama ay ku dhaqantay dawlada soomaaliya.

Dawlada aya
ujeesatay xagaas iyo xiriirka caalmiga , waxay heshay so dhaweyn balaran xaga
caalamka.
siyaasiyin qaarkood aya calama su’aal saara waxyabahas ay dawlada soomaaliya ku tilmaamto waxqabad iyo hormar , ayago ka duulaya in xiriirka caalamiga iyo soo celintiisa ay sheegayso dawlada soomaaliya uusan ehen mid aan lahayn miradhal, balse ay tahay af ka sheegid aan lahayn ficil , anago eegayna dhaliishaas aya waxa la is dhihi kara ila iyo hada lama arag wax ka duwan safarada ay tagayan madaxda dalka iyo wafuuda imanaysa mooye in aa la arag wax la is dhihi kara wa natiijo, sababto ah hadafka laga leeyahay xiriirka caalamiga ah waa wada shaqeenta iyo is caawinta. Wax ma sameeneso ereyo la is weedaarsaday.

Dhanka kale siyaasyinta
taageera dawlada aya dhaha waa horudhac in hada la beegsado natiijooyin ,
waxaana loo bahanyahay dulqaad iyo in waqti la siiyo mira dhalka heshiisyadaas.
Amniga aya ah midka kaliya uu aadka utiigsanayo muwaadinka soomaaliyeed ee ku dhaqan mugdisho iyo nawaaxigeda , mawaadinka danyarta ah in ay dawladu samayso xiriiro caalami ah waxa uga muhiimsan in uu helo nabad uu ku shaqaysto ilmihiisa ku biisho, hadaba su’aashu waxa ay tahay wa side xaalka amniga ?

Sida muuqata
amniga aya ah caqabada ugu adag ee hortaal dawlada lana rabo inay xal u hesho ,
anago og inu amnigu yahay furaha dhaman horumarka ganacsiga iyo kobcinta
dhaqaalaha , o hadu amnigu khalkhal ku jiro, wax hormar ah oo la tiigsan karo
ma jiro.
Waxaa la
isku raacsanyahay in xaalada amni ee magaalada Muqdisho uu fara ka baxay
bilihii ugu dambeeyey iyadoo xiligaan ayna jirin maalin ayna dilal qorshaysan
iyo weeraro ka dhicin dagmooyinka gobolka Banaadir.
dawladu wa in ay dib u eegtaa siyaasaadkeeda ku waajahan amniga , keenta dariiq cusub oo ka duwan kan ay hada ku dhaqanto.
dawladu wa in ay dib u eegtaa siyaasaadkeeda ku waajahan amniga , keenta dariiq cusub oo ka duwan kan ay hada ku dhaqanto.
Dawlada soomaaliya
waxa loo igmaday iney xal u hesho dhamaan mushkiladaha haysta bulshada
soomaaliyeed sida in xal loo helo dagaalada sokeeye iyo kala qub-qubnaanta
haysato umada soomaliyeed , xal ka gaarista amniga , soo celinta dhismaha hay’adaha
dawlada , iyo ka shaqeenta baraaraha muwaadinka , intaas iyo in kabadan aya loo
igmaday dawlada soomaaliya xalintooda , hadaba wa sidee xaalku ?
Waxan aad
ugu xumahay iney dawlada mashaakil kuso biiriso mushkiladihi hore , oo ay
beerto dhibaatooyin hor leh, sida iney isku dhacaan qabiilo walaala aha oo
degaan isla dagan , iyo in dib ubilaabmaan is-riix riix qabyaalad ku dhisan ,
taasna waxa sababay siyaasad xumida ay ku waajahday dawlada maamul usameenta
gobolada , anago haatan indhaha ku hayno mushkilada Jubbaland – Kismaayo ,
walina waxa muuqato ineysan dawladu ku taagnen dhabihi xalka loogu heli laha
mushkiladas.
War-bixinti
gudigi daba-galka ee QM (Monitoring group) ay so saareen aya dhabar jab weyn ku
noqday muwadinka soomaloyeed ee rajada ka laha dawlada soomaaliya , waxana ka
xumahay ineysan dawalda ila iyo hada aysan so bandhigin war-bixin udhiganta ti
lagu tuhmay oo kale.
Musuqmaasuqa aya ahaa mid aad ufaafay xiliyadi dawladihi kumeel-gaarka , taaso naafeesay waxqabadki dawlada , iyo dhaqangalinti dawlad wanaaga , balse waxa muuqato in ay ku dhacday dawladan macsiyaadas oo kale oo ay cadeesatay musuqmaasuqa , musuqmaasuq iyo dawladnimo meel wada galaan madaxda sharafta lahoow.

Bal hala
isku barbar dhigo maxa uhir-galay dawlada mudo sanad ah , maxaana ay ku fashilantay
?
Mudo sanad
ah dawlada soomaaliya waxay ku abuuratay gacmaheeda mushkiladu fara badan ,
sida mushkilada puntland , mushkilada jubblanad , dagaalada beelaha udhaxeeye ,
maamul usameenta gobolada. in mudo sanad ah lagu beero mushkiladahaas waxa ay
ka tarjumaysa siyaasada xumida iyo aragti gaabnida haysato siyaasada dawlada
soomaliya.
Muwaadinka
soomaaliyeed col lama aha dawladiisa , balse waxa uu ku haminaya nolol wacan in
lo hirgaliyo , oo uu ku helo shaqo kuna biisho caruurtisa , in u helo sinaan
iyo cadaalad u kaga tirsanaado bulshadiisa , kuna fasho beertiisa si nabad ah
asoo ka baqaynin in laga boobo dhulkisa , suuqna u helo waxa uga so go’a
beertiisa.
Wali waxa
dalbaneyna dawlad wanaag iyo in wax laga badalo qaabka loo socdo, lana daayo
gooni-ogoosadka talada dalka oo la xiran albaabaha , in nala dhagaysto waxna
naloo qabto waa xaq dastuuri ah oo aan leenahay.
Waa Maqaal Qiimo badan, oo Si qoto dheer u qaadaa dhigay sanadkii tagay.
ReplyDeleteMahadsanid Ustaad Cumar.