Posts

Showing posts from 2013

Sanad Ka Dib .... Wa sidee Xaalku ?

Sanadki hore aya waxan udabaal dagnay ka gudubka kumeel-gaarka iyo dhismaha dawlad cusub , waxana aad ukacsana dhaman shacuurta umada soomaaliyeed. Sanad ka dib aya waxa la is weydiinayaa maxa noo hirgalay ? dawladeenii wa side xaalkeeda ?  ma la qeexi karna xaalada dawlada soomaliya anago u kuurgalayno wax qabadkeeda guud? Ka dib doorashadi madaxweynaha aya waxa bilaabmay bog cusub oo siyaasdeed, waxa xilka qabtay madaxweyne an lagu baran dagaal iyo qabqablanimo , waxa uu la yimid xukuumad ay ka dhax muuqdan wajiyo cusub oo ah siyaasiyiin an lagu baran dagaaladi sokeeye , taaso noqotay horusocod wangasan. balse waxa is-dhaafay waxi ay dadka ka filayeen dawlada iyo waxa ay la timid , dadweynaha aya rajadoodi eheed inay helaan nabad-galyo iyo hormar , in dib loo asaaso hay’adaha dawlada lana shaqa galiyo dhamaan hay’adaha dawliga ah , in ay dareeman neecawda dawladnimo sida kala danbeynta iyo dhawrida sharuucda iyo qawaaniinta , balse rajadas aya noqotay mid udhaw riyo marka...

Mucaarad iyo Muxaafid

Image
Ka qeyb galka siyaasada ayaa u kala saaraysa bulshada , kuwa muxaafid ah oo taageersan siyaasada dawlada iyo kuwa mucaarad ah oo diidan siyaasaadka dawlada. adeegsiga ereyga mucaarad ma ahan mid ka tarjumeysa xumaan ama qaswade  sida ay ufasiraan siyaasiyiinta xilka ka haya dawlada , balse mucaarad waa sida ay ku fasiraan culumada siyaasada : waa qof ka soo horjeedo siyaasaadka dalka lagu dhaqo buuxiyana shuruudahan soo socda :- 1. Inuu aminsan yahay sharuucda dalka uyaala  ixtiraamana dastuurka 2. Inuu ilaaliyo amniga qaranka iyo waxwalba oo dalka iyo dadka dhibaateyn kara. 3. Inu aqoonsanyahay dawlada dalka ka jirta ee uu mucaradka ku yahay , diidana wax walba oo keeni kara burburka dawlada sida inqilaab ) af-ganbi ( iyo wax-lamid ah. 4. Inu leeyahay siyasaad iyo mabaadi’ uu aminsanyahay , uusan eheen qof wata mashruuc dana gaar ah ku dhisan. Waxa jira dhawr qodob oo ah in la islawada aamino oo laga wada duulo si loo helo nolol siyaasadeed oo hormarsan , taasoo sahli...

Dawlada Iyo Qabiilka

Image
  Soomaliya waxa ay ka mid tahay bulshooyinka caanka ku ah waxa lo yaqaan xiriirka abtirsiga ah oo ka dhigan u nasab sheegashada qabiil. Mudooyin badan ayu aha qabiilka nidaam dhameestiran oo koobaya dhaman arimaha bulshada arimaha siyaasada iyo arimaha qanuunka ,qabiil walbana uu dhisto nidaamkas oo aa ku magacaabi karno dalwad beeled oo gaar u ah beelwalba , ayado ay beeshu dhisanaysa qaabdhismeedkeeda dalwaded sida madaxweyne oo ah oday dhaqamed ama suldan ama malaaq , iyo barlaman oo ah odyaasha dhaqanka ama duubabka iyo nidaan qanuun ah oo kala hagaaya beesha gudaheda sida xeer iyo wax lamid ah,  iyo nidaam cidan oo ay matalan dhalinyarada la dhaho warmooleeyda oo ah ciidanka difaaca masaalixda dalwad beeledka sida ceelasha iyo daaqsiga iyo awrka sadaxaas oo ah sadaxda hanti oo la dhihi karo waxa ay yihin amniga qoomiga ah ee beeshu ay leedahay.   Taas oo noo ah tusaale aya waxa kalasoo baxeyna muuqaal ah in u qabiilka iyo dawlada ay isaso gali jireen , anag...

Madaahibta Afkaarta Cilmiga Dhaqaalaha

Image
Madhabka Classicism Dhamadki qarnigi 18 iyo bilawgi qarnigii 19 aya waxa aad uso ifbaxay in kacdoonki warshadeed ee yurub ka jiray , iyo in lasoo saaray alaado ka shaqo wanagsan aadmaha , sida gawaarida lagu falo beeraha iyo warshadaha aladeed , taasna sababtay ine dhacaan shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay dadki ka shaqeenjiray hawlaha ay la wareegen alaadahaas . Sas darteed culumadi cilmiga dhaqaalah oo xiliga doonayay ine saxaan nadariyaadkii dhaqaalo ee wagi hore jiray , iskuso wada dubow Classic School waxa ay eheed dhaqaaq looga gudbayay suuradi qadiimka eheed ee cilmiga dhaqalaah iyo hir galinta dhaqdhaqaaqa fardiga ah ( maslaxada fardiga )ee  Liberalism ka loo yaqaan ,  ayado laguso koobayay cilmiga dhaqalaha , taxliilka looyaqaan( Microanalysis) . Saameynta ee sameesay iskoolkii classicism :- 1. soo ifbixida dabaaqaadka bulsho ( dabaqada hoose , dhaxe , sare ) 2. Dhaqaalaha kala iibsiga aadamaha oo noqday il dhaqaalo oo la ictimaado 3. faragalinta dawla...