Sanad Ka Dib .... Wa sidee Xaalku ?
Sanadki hore aya waxan udabaal dagnay ka gudubka kumeel-gaarka iyo dhismaha dawlad cusub , waxana aad ukacsana dhaman shacuurta umada soomaaliyeed. Sanad ka dib aya waxa la is weydiinayaa maxa noo hirgalay ? dawladeenii wa side xaalkeeda ? ma la qeexi karna xaalada dawlada soomaliya anago u kuurgalayno wax qabadkeeda guud? Ka dib doorashadi madaxweynaha aya waxa bilaabmay bog cusub oo siyaasdeed, waxa xilka qabtay madaxweyne an lagu baran dagaal iyo qabqablanimo , waxa uu la yimid xukuumad ay ka dhax muuqdan wajiyo cusub oo ah siyaasiyiin an lagu baran dagaaladi sokeeye , taaso noqotay horusocod wangasan. balse waxa is-dhaafay waxi ay dadka ka filayeen dawlada iyo waxa ay la timid , dadweynaha aya rajadoodi eheed inay helaan nabad-galyo iyo hormar , in dib loo asaaso hay’adaha dawlada lana shaqa galiyo dhamaan hay’adaha dawliga ah , in ay dareeman neecawda dawladnimo sida kala danbeynta iyo dhawrida sharuucda iyo qawaaniinta , balse rajadas aya noqotay mid udhaw riyo marka...