Dawlada Iyo Qabiilka
Soomaliya waxa ay ka mid tahay bulshooyinka caanka ku ah waxa lo yaqaan xiriirka abtirsiga ah oo ka dhigan u nasab sheegashada qabiil. Mudooyin badan ayu aha qabiilka nidaam dhameestiran oo koobaya dhaman arimaha bulshada arimaha siyaasada iyo arimaha qanuunka ,qabiil walbana uu dhisto nidaamkas oo aa ku magacaabi karno dalwad beeled oo gaar u ah beelwalba , ayado ay beeshu dhisanaysa qaabdhismeedkeeda dalwaded sida madaxweyne oo ah oday dhaqamed ama suldan ama malaaq , iyo barlaman oo ah odyaasha dhaqanka ama duubabka iyo nidaan qanuun ah oo kala hagaaya beesha gudaheda sida xeer iyo wax lamid ah, iyo nidaam cidan oo ay matalan dhalinyarada la dhaho warmooleeyda oo ah ciidanka difaaca masaalixda dalwad beeledka sida ceelasha iyo daaqsiga iyo awrka sadaxaas oo ah sadaxda hanti oo la dhihi karo waxa ay yihin amniga qoomiga ah ee beeshu ay leedahay. Taas oo noo ah tusaale aya waxa kalasoo baxeyna muuqaal ah in u qabiilka iyo dawlada ay isaso gali jireen , anag...