MAXAA KEENAY BURBURKA DAWLADII SOOMAALIYA?
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee”. - ISMA DORIN Abwaan Axmad I. Diiriye “Qaasim” 1964. Inta badan waxaa iskugu hambalyeyna maalinta 1da luuliyo oo aan qabsano munaasabado lagu xusayo maalintaas. waa arin quman in la xuso xornimadii ay soo hooyeen awooyaasheen, balse waxaa mudan in aan is weydiino maxa keenay in aan dhisan kari weyno dawlad wanaagsan? tii aan dhisanayna burburiyay? Waa laba waydiimood oo is dulsaaran una baahan warcelino cilmiyeysan kana fog laab-lakac iyo calaacal. hadaba weedhahan soo socda waxaan ku lafa guri doona arimaha ay labadaas waydiimood gundhiga u yihiin. Soomaalidu waxey ku caan yihiin nidaamka ab-tirsiga ama beesha, kasoo ah dhaqan aad u adag, dhaqankaas ayaa sal iyo halbeeg u ah siyaasada iyo qaybsiga hadtida iyo awooda. Aqooyahanka cilmibaadha bulshadu “Sociology” waxey tilmaaman in bulsho walba kolka ay yagleelmayso nidaamkeeda awood qeebsi ka duusho dhaqankeeda ga...